January 5, 2026

Aqoon isweydaarsi

Shalay waxaa magaaladda Muqdisho lagu soo gaba gabeeyey aqoon isweydaarsi heerkiisu sareeyo oo lagu kobcinaayey karaanka iyo wacyiga sharci yaqaanada dowladda iyo Hay’addaha samafalka kaasoo socday muddo saddex cisho ah oo ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka iyo Urur Goboleedka IGAD.
Mudadii uu socday aqoon isweydaarsigan waxaa diiradda lagu saaray:
• Siyaasadda Qaran ee Aqoonsiga Danabaysan.
• Siyaasadda Qaran ee Maareynta Musiibooyinka.
• Siyaasadda Qaran ee ilaalinta Bulshada.
• Istiraatiijiyadda Qaran ee Biyaha.
Sidoo kale sharciyaqaanada iyo siyaasad sameeyeyaasha dalka ayaa ka dooday bandhigii iyo soo jeedintii ay sameeyeen Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah kuwaas oo ka hadlay:
• Tacadiyadaha ay la kulmaan caruurta.
• Xanaanaynta iyo ilaalinta Bulshada Barakaca ah iyo bulshada ay la nool yihiin intaba.
• U helidda xalwaara Qaxootiga iyo Qaxootiga Dalka ku soo laabtay
• Qorshe howleedyada la xiriira sidii is dhexgal bulsho loogu heli lahaa Qaxootiga dalka dib ugu soo laabtay.
Shirkan oo kulmiyey sharciyaqaano ka socda dowladaha xubnaha ka ah DFS , wasaaradaha kala duwan ee XFS, Hay’adaha Caalamaiga ah sida UNHCR, IOM, DRC, iyo Save the Children ayaa waxaa kaloo looga hadlay is waafajinta shuruucda caalamiga ah, midda gobolka.